Iyadoo maanta la filaayay in Magaalada Muqdisho uu ka furmo shirka lagu dhameystirayo arrimaha doorashooyinka ee dalka ayaa waxaan jirin wax saan-saan ah oo muuqato oo shirkaasi la xiriira.
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa habeenkii Isniinta iclaamiyay shir 4-ta bishan oo maanta ku beegan ka dhacaya Magaalada Muqdisho, laguna dhameystirayo wadahadaladii la xiriiray hirgelinta doorashooyinka dalka, ee u dhexeeyay Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir.
Madaxda Dowlad Goboleedyada Jubbaland iyo Puntland ayaan weli imaamin Magaalada Muqdisho, halka Madaxweyne-yaasha Koonfur Galbeed iyo Galmudug ku maqan yihiin Magaalada Ankara ee dalka Turkiga, taasoo meesha ka saareysa suurtagalnimada in shirka uu maanta furmo.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya inaanu wax abaabul iyo dhaqdhaqaaq midna ka jirin Aqalka Villa Somalia, halkaasoo uu Madaxweyne Farmaajo qorsheeyay in shirka lagu qabto.
Puntland iyo Jubbaland ayaa iyagu ka cago-jiiday in shirka uga qaybgalaan Qasriga Madaxtooyada, taasi bedelkeedana waxay Puntland ku baaqday in lagu qabto Garoonka Aadan Cadde, halka Jubbaland ay soo jeedisay in shirkaasi uu ka dhaco goob amnigeeda lagu kalsoon yahay.
Shirka maanta la filaayay inuu qabsoomo ayaa noqonaya kiisii 3aad, ee uu Madaxweyne Farmaajo ku baaqay, balse aan qabsoomin.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com