Macluumaad la xiriira: Weerarkii xalay lagu galay jeel weyn ee Boosaaso

Faah faahino ayaa ka soo baxaya weerar saf ballaaran oo saqdii dhexe ee xalay lagu qaaday Gaalshiraha Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.

Xoogag aan illaa iyo hadda la xaqiijin waxa ay yihiin, balse loo maleynayo Shabaab ama Daacish midkood ayaa dhawr jiho ka weeraray jeelka weyn ee Magaalada Boosaaso.

Weerarkan ayaa ku bilowday qaraxyo xoogan oo madaafiic magaalada bannaankeeda laga soo tuurayna ay barbar-socdeen, waxaana xigay dagaal toos ahaa oo xoogagaasi ay gudaha ugu galeen jeelkaasi, oo amnigiisa si weyn loo ilaaliyo.

Dagaalka oo dhawr saacadood socday ayaa waxaa xoogagaasi u suurtagashay xabsiga inay ka sii daayaan maxaabiistii ku xirneyd, kuwaa oo qaarkood ay horey u sii kaxeysteen.

Xabsigan ayaa waxaa ku xirnaa Saraakiil iyo maleeshiyaad ka tirsan Ururada Al Shabaab iyo Daacish, horeyna uu xukuno kala duwan ugu dhacay. Xubnaha xabsigan lagu haayay waxay u badan yihiin maxaabiistii ay Puntland ku qabqabtay dagaaladii ay Shabaabka kula gashay deegaanada Suud, Garmaal iyo aagga Garacad, bishii March ee sanadkii 2016.

Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Bari, Korneyl Xuseen Cali Maxamuud oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Boosaaso ayaa qiray in maxaabiista qaarkood laga sii daayay xabsiga, inkastoo sida uu sheegay ay kuwa ka mida dib u soo qabteen, kuwo kalena lagu daba jooggo.

“Waxaa laga yaabaa meel dee dagaal ka socday xoogaa, waad dareemi kartaan oo waa laga yaabaa in maxaabiista qayb ka mid ah iyo jugihii meesha ka dhacayay ay fakadaan, iyadana waa lagu daba jiraa, kuwo bannaanka laga soo qabtay waa jiraan, intii kale ee maxaabiistana xabsiga ayay ku jiraan, waxaana idin sheegayaa jeelka dhammaantiis inuu caadi yahay.” Ayuu yiri Taliyaha.

Taliyaha ayaa xusay in dagaalka uu dhankooda kaga dhintay hal askari, laba kalana ay kaga dhaawacantay, wixii ku soo kordhana ay dib Warbaahinta ugala soo wadaagi doonaan.

“Waxaa jira laba nin oo dhaawac ah oo ciidanka ka mid ah iyo nin dhintay, inta kalena dib baan ka soo sheegaynaa, markaan dhameystirno, haddii Alle idmo. ” Ayuu yiri Korneyl Xuseen Cali Maxamuud, Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Bari.

Hase ahaatee wararka laga helayo Magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi uu aad u badan yahay, isla-markaana ay dhimasho badan jirto.

Weerarkan ayaa qalqal ku abuuray dadka reer Boosaaso, gaar ahaan qoysaska degan agagaarka xabsiga, iyadoona qoysaska qaarkood ka carareen guryahooda.

Su’aalo ayaa ku gadaaman kooxihii weerarka soo qaaday, sida ay ugu suurtagashay abaabulka weerarka intaa le’eg ee lagu galay mid ka mida xabsiyada ugu ilaalada adag ee dalka.

Si kastaba ha-ahaatee xaaladda Magaalada Boosaaso ayaa saaka degan, iyadoo dadkuna uu si weyn u hadalhayo dhacdadaasi.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com