Wafdiga uu hoggaaminayo Gudoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan, Cali Jeyte Cismaan ayaa maanta gaaray deegaanka Feer-feer ee Gobolka Hiiraan.
Wafdiga Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan ayaa waxaa halkaasi ku soo dhaweeyay masuuliyiinta deegaanka Feer-feer iyo qaybaha bulshada.
Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan ayaa deegaanka xududda dhaca u tagay, sidii uu uga daahfuri lahaa mashaariic horumarineed.
Gudoomiye Jeyte waxaa safarkan ku wehlinaya Duqa Magaalada Beledweyne, Nadar Tabaax Maalin, Gudoomiye Kuxigeenka Maaliyadda & Siyaasadda ee Maamulka Gobolka Hiiraan, Abuukar Cabdullaahi Maadey, Saraakiil ciidan iyo ganacsato.









Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com