Madaxda Dowladda iyo Dowlad Goboleedyada oo ku kulmaya Muqdisho

Madaxda Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa maalmaha soo socda lagu wadaa in ay ku kulmaan Magaalada Muqdisho.

Shirkan ayuu qorshuhu yahay in lagu dhameystiro heshiiskii 17-kii bishii September 2020, ay madaxda ku gaareen Magaalada Muqdisho, kaasoo ku qotoma arrimaha doorashooyinka ee dalka.

Wararka ayaa sheegaya in Beesha Caalamka ay Madaxda Soomaalida ku cadaadineyso in ay xal ka gaaraan khilaafka ku gadaaman geedi-socodka doorashooyinka.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Madaxda Dowlad Goboleedyada ee ka maqan Magaalada Muqdisho, ay si deg deg ahi ku soo gaari doonaan magaalada.

Ma cadda goobta lagu qabanayo shirka, waxaase soo baxaya warar aan la xaqiijin oo sheegaya in shirka uu ka dhici doono Xarunta Xalane.

Ka dib 8-dii bishii February oo ku ekeyd muddo xileedka Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxaa baaqday saddex jeer oo shir uu Madaxweynuhu isugu yeeray Madaxda Dowlad Goboleedyada. Sababaha ugu waaweyn ee dib u dhacaasi ayaa loo aaneeyay Madaxweynaha oo doonayay in shirka lagu qabto Aqalka Villa Somalia, taasoo ay ka gows-adeegeen Madaxda Dowlad Goboleedyada qaarkood.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com