Madaxweyne Ku. Jubbaland oo kormeeray Waqooyiga Kismaayo (SAWIRRO)

Madaxweyne Kuxigeenka 2aad ee Jubbaland, Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud ayaa kormeer ku tagay deegaano dhanka waqooyi kaga beegan Magaalada Kismaayo, halkaasoo uu kula kulmay Saraakiisha Ciidamada.

Madaxweyne Kuxigeenka ayaa kormeerkan ku tagay deegaanada Goobweyn, Sanguuni, Wirkooy, Buuloguduud iyo Yoontooy.

Sidoo kale Madaxweyne Kuxigeenka ayaa kormeeray Xeryaha Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Daraawiishta Jubbaland ku leeyihiin deegaanadaasi.

“Ujeedka kormeerkan ayaa darnaa sidii loogu kuurgeli lahaa xaaladda amni iyo nolosha dadweynaha ku nool deegaanadaas, maadama qayba ka mid ah deegaanada Jubbaland ay ka jiraan abaaro saameeyay dad iyo duunyaba.” Ayaa lagu yiri qoraal Jubbaland ka soo baxay

Qoraalka ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Kuxigeenka uu Saraakiisha Ciidamada iyo Ururada Bulshadaba ka dhageystay warbixino kala duwan.

Jubbaland ayaana gurmad raashiin gaarsiisay deegaanadii uu kormeerka ku tagay Madaxweyne Kuxigeenka Jubbaland.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com