Midowga Musharaxiinta oo diyaar u ah in wadahadalada la sii wado

Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa ku baaqay in la sii wado wadahadaladii ay 25-kii bishii hore ee February la bilaabeen Xukuumadda Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Kulankii ugu dambeeyay ee labada dhinac habeenimadii Khamiista ku yeesheen Hotel Decale ee Magaalada Muqdisho ayaa natiijo la’aan ku soo dhammaaday, ka dib markii Midowga Musharaxiinta ay ku adkeysteen in laga qaybgeliyo shirka wadatashiga qaran, ee Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir. Ra’iisal Wasaare Rooble waxaa uu xilligaa sheegay inaanu keligii go’aankaasi lahayn, waxaase uu ku baaqay in wadahadalada la sii wado.

Afhayeenka Midowga Musharaxiinta, Daahir Maxamuud Geelle ayaa sheegay in loo baahan yahay khilaafka taagan in wadahadal uun lagu dhammeeyo, isla-markaana laga baaqsado wax kasta oo carqalad gelin kara amniga.

Afhayeenka ayaa tilmaamay in mucaarad iyo muxaafidba uu la wadaagayo inaanay dadka Soomaaliyeed aqbaleyn waxaan afar shay ahayn.

“Waxaan rabaa inaan la wadaago siyaasi Soomaaliyeed ama ha noqdo mid mucaarad ah ama mid muxaafida, dad Soomaaliyeed afar shay waxaan ahayn oo maanta ay aqbalayaan ma jirto. Waxaan nabad ahayn ma aqbalayaan, waxaan wadahadal ahayn ma aqbalayaan, waxaan doorashooyin xor iyo xalaal ahayn ma aqbalayaan.” Ayuu yiri Afhayeenka oo la hadlay BBC.

Daahir Maxamuud Geelle ayaa yiri “Wadahadal inuu socdo, wadahadalka albaabkiisana inuusan xirmin, arrinta aan Midowga Musharaxiinta isku ognahay waa in la wadahadlo.”

Madaxda Soomaaliyeed ayaa dhalleeceen kulul kala kulmay dadka wax ku qora barraha bulshada, ka dib markii ay fashilmeen shirkii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaayo uu Khamiistii ku baaqay iyo kulankii ay habeenimadii Khamiista ay Caasimadda Muqdisho ku yeesheen Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda iyo Xubnaha Midowga Musharaxiinta, taa oo loo fasirtay mid haadaan ka tuurtay rajadii laga qabay in markaan laga gudbi doono khilaafka ku horgudban hannaanka geedi-socodka ee doorashooyinka dalka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com