Kumaandoos lagu soo tababaray Turkiga oo Muqdisho soo gaaray (SAWIRRO)

Cutubyo ka tirsan Ciidanka Kumaandooska Gorgor oo lagu soo tababaray dalka Turkiga ayaa gelinkii dambe ee maanta ka soo degay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Ciidankan oo muddooyinkii ugu dambeysay ku tababaranayay dalkaasi ayaa waxaa Garoonka Aadan Cadde ka soo dejisay diyaarad weyn oo Militariga Turkiga uu leeyahay.

Wasiirka Gaashaandhigga Somaliya, Xasan Xuseen Xaaji ayaa Garoonka Aadan Cadde ku soo dhaweeyay Kumaandooska Gorgor.

Wasiirka ayaa Dowladda Turkiga uga mahadceliyay taageerada muuqato, ee ay la garab taagan tahay shacabka Soomaaliyeed iyo dowladooduba.

Wasiirka ayaa tilmaamay in Dowladda Federaalka ay ku hawlan tahay dib-u-dhiska Ciidamada Qalabka Sida, gaar ahaan Ciidanka Xoogga Dalka oo Kumaandooska Gorgor ay qayb ka yihiin.

Turkiga waa saaxiibka ugu weyn ee maanta Somaliya leedahay, iyadoo uu ka taageero kaabayaasha dhaqaalaha, dib-u-dhiska dalka iyo weliba ciidamada.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com