Macluumaad la xiriira xaaladda COVID-19 ee dalka

Xanuunsidaha COVID-19 ee fayriska Corona uu keeno ayaa si weyn dalka u gilgilaya, gaar ahaan Magaalada Muqdisho, sida ay maanta sheegtay Foosiya Abiikar Nuur, Wasiirka Caafimaadka Somaliya.

Wasiiradda ayaa sheegtay in ay jiraan dad fara-badan oo xanuunka aan laga baarin, balse ugu geeriyooday gudaha magaalada, taa oo muujineysa sida ay sheegtay culeyska ka dhashay soo laba kacleynta COVID-19, waxayna ku baaqday in dadku taxadaraan, una hoggaansamaan awaamiirta lagu doonayo in lagu xakameeyo xanuunkaasi.

Dhanka kale Wasaaradda Caafimaadka ayaa caawa warbixinteeda maalinlaha kaga warbixisay xaaladihii ugu dambeeyay xanuunka ee dalka laga diiwaangeliyay.

Afar iyo labaatankii saac ee ugu dambeysay ayaa xanuunka laga baaray 1122 qof, guud ahaan dalka, waxaana laga helay 117 qof.

83 ka mid ah dadka xanuunka laga helay ayaa ku nool Magaalada Muqdisho, iyadoo 32 kiis laga diiwaangeliyay Somaliland, halka 2 kiis laga diiwaangeliyay Jubbaland.

Sida warbixinta lagu sheegay 73 ka mid ah dadka xanuunka laga helay waa rag, halka 44 kalena ay haween yihiin, waxaana xanuunka bogsaday 36 qof.

Wasaaradda Caafimaadka ayaa diiwaangelisay 7 xaaladood oo dhimasho ah, kuwaa oo 4 ka mid ah laga diiwaangeliyay Gobolka Banaadir, halka 3-da kalena Somaliland laga diiwaangeliyay.

Tirada guud xaaladaha xanuunka ee dalka laga diiwaangeliyay ayaa ah 8,438 xaaladood, iyadoo tirada ka bogsatay ay tahay 4,004 qof, waxaana xanuunka dalka ugu geeriyooday in ka badan saddex boqol oo qof.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com