Muqdisho: Askari ka hortagay kooxo bastoolado ku hubeysnaa

Ugu yaraan laba qof ayaa ku dhimatay, laba kalena way ku dhaawacantay iska horimaad maanta ka dhacay agagaarka Isgoyska Sanca ee Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir.

Iska horimaadka ayaa yimid, ka dib markii rag bastoolado ku hubeysnaa ay halkaasi ku weerareen askari ka tirsan Ciidamada Dowladda Hoose ee Minishiibiyada.

Wararka ayaa sheegaya in askarigaasi uu iska caabiyay kooxihii soo weeraray, sida ay sheegeen goobjoogeyaal, isla-markaana ay baxsadeen raggii weerarka soo qaaday.

Gudoomiyaha Degmada Kaaraan, Abshir Maxamed Maxamuud ayaase dhankiisa sheegay in dhacdadaasi dhawr qof loo qabtay.

“Dhawr qof oo loo qabtay ayaa jira, hadda baaris ayay ku jiraan.” Ayuu yiri Gudoomiyaha Degmada Kaaraan oo la hadlay KNN.

Waxa kaloo uu yiri “Raggu dabcan rag hubeysan ayay ahaayeen, waana dareemi kartaa dhacdooyinka magaalada maalmahaan ka dhacayay, sida ay yihiin, baaristiiyaana ku guda jirnaa, hadda inaan ka hordhaco ma rabo.”

Gudoomiyaha ayaa xaqiijiyay in iska horimaadkaasi ay ku geeriyoodeen laba qof oo rayid ah, isla-markaana ay ku dhaawacmeen laba kale, oo askarigii la soo weeraray uu ka mid yahay.

Kooxaha bastooladaha ku hubeysan ayaa muddooyinkanba beegsanayay Ciidamada Minishiibiyada ee Canshuuraha Dowladda Hoose qaada.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com