Axmed Madoobe: War waa dambeeyaa

Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), Madaxweynaha Jubbaland ayaa si kooban uga hadlay safarkiisa Magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa marka hore ka mahadceliyay, sida diiran ee wafdigiisa loogu soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde.

“Aad baan rabaa inaan ugu mahadceliyo guud ahaan dadka reer Muqdisho, gobolka, xukuumadda, shacabka iyo Xildhibaanada Labada Aqal, soo dhaweynta aad na soo dhaweyseen, waan idinkaga mahadcelinayaa.” Ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa yiri “Waxaan u nimid in la abshireysto, khayr noqoto, wadankaana horey u socdo, khayr badana la gaaro. Aad baan ugu faraxsanahay inaan Xamar isugu nimaano.”

Madaxweynaha oo Warbaahinta kula hadlay qaybta nasashada ee Garoonka Aadan Cadde ayaa yiri “Waxaan rabaa inaan mar labaad idin mahadceliyo, aad baad u mahadsan tihiin.”

Axmed Madoobe ayaa sheegay in wixii war ah uu dambeeyo, isla-markaana ay guul ka rajeynayaan shirka madaxda ku yeelanayso magaalada.

“War waa dambeeyaa, wixii war ah dib baan ka geli doonnaa, abshir badana waan rajeynaynaa, Insha’Allah.” Ayuu yiri Axmed Madoobe.

Madaxda Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa shirka wadatashiga qaran ku yeelanaya Xerada Afisyooni, oo ku barbar taala Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com