Ciidan Soomaaliyeed oo tababar loogu qaaday Turkiga (SAWIRRO)

Cutubyo ka tirsan Ururka 7aad ee Kumaandooska Gorgor ayaa maanta tababar dheeri ah loogu qaaday dalka Turkiga, si halkaasi ay tababarkooda ugu soo dhameystaan.

Wasiirka Gaashaandhigga Somaliya, Xasan Xuseen Xaaji ayaa Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ka sagootiyay ciidamadaasi.

Wasiirka ayaa la dardaarmay ciidamada, ka hor intii aanay diyaarad militari ka qaadin Garoonka Aadan Cadde.

‚ÄúDadka iyo dalka soomaaliyeed ayaad u soo tababaraneysaan, ciidan qaran ayaad tihiin. Waxaan idiin rajeynayaa in dalkiina aad ku soo noqotaan, idinkoo cilmi iyo aqoon soo kororsaday.” Ayuu yiri Wasiirka.

Wasiirka ayaa yiri “Dowladda Turkigana waan uga mahadcelinayaa taageeradda joogtada ah, ee ay dowladeenna la garab taagan tahay.”

Shalay ayay ahayd markii Magaalada Muqdisho ay dib ugu soo laabteen boqolaal ka mid ah Kumaandooska Gorgor, oo tababar ku soo qaatay dalkaasi Turkiga.

Taageerada Turkiga uu Somaliya siiyo ayaa lagu tilmaamaa inay tahay mid muuqato, waana mid ka tarjumeysa sida Xukuumadda Ankara kaga go’an tahay dib-u-dhiska Ciidamada Qalabka Sida ee Somaliya.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com