James Swan oo ka hadlay weerarkii Xerada Xalane ee Muqdisho

Wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Somaliya, Amb. James Swan ayaa cambaareeyay weerarkii madaafiicda loo adeegsaday ee maanta lagu qaaday Xerada Xalane ee Magaalada Muqdisho.

Xerada Xalane ayaa ka dhex dhisan Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde, waxaana masuuliyadda weerarkaasi sheegatay Al Shabaab, oo qoraal ay soo saartay ku sheegtay in bartilmaameedku uu ahaa xeradaasi.

“Waxaan cambaareynayaa weerarkan madaafiicda ah ee Al Shabaab ku qaaday Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho.” Ayuu yiri Wakiilka Qaramada Midoobey oo warkan ku sheegay qoraal caawa ka soo baxay Xafiiska UNSOM ee Magaalada Muqdisho.

Warka waxaa lagu sheegay inaanay madaafiicdaasi waxyeelo ka soo gaarin Shaqaalaha Qaramada Midoobey, isla-markaana aanu wax burbur ahi ka soo gaarin xaruntooda ku dhex taala Xerada Xalane.

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in laba ka mid ah Ciidamada AMISOM ay ku dhaawacmeen madaafiicdaasi, sidoo kalena uu burbur aan buurnayn ka soo gaaray dhismooyinkooda.

James Swan ayaa yiri “Waxaan u rajeynaynaa caafimaad deg-deg ah kuwa ku dhaawacmay meelo kale oo Garoonka Diyaaradaha ah.”

Swan ayaa yiri “Inkastoo ay jiraan falal noocaan oo kale ah oo rabshado wata, saaxiibada Somaliya ee caalamka waxay weli ku adkeysanayaan inay garab taagan yihiin dadka Soomaaliyeed, ayna sii wadi doonaan taageerada horumarinta ee dalka.”

Maleeshiyada Al Shabaab ayaa marar badan madaafiic ku weeraray Xerada Xalane, halkaasoo ay degan yihiin diblomaasiyiinta shisheeye, sidoo kalena uu ku yaalo saldhigga ugu weyn ee Hawlgalka Midowga Afrika.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com