Khasaaro ka dhashay madaafiicdii lagu weeraray Xerada Xalane

Wararka ka imaanaya Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in maanta tiro madaafiic ahi lagu weeraray Xerada Xalane ee Magaalada Muqdisho.

Xalane waa xarunta ugu weyn ee ay degan yihiin diblomaasiyiinta beesha caalamka ee ku sugan Magaalada Muqdisho, sidoo kale waa saldhigga ugu weyn Midowga Afrika ee dalka uu ku leeyahay.

Saddex ka mid ah madaafiicdii lagu weeraray xeradaasi ayaa gudaha ugu dhacay, waxaana uu burbur ka soo gaaray dhismooyinka qaarkood.

Muuqaalo laga soo qaaday goobtaasi ayaa muujinaya burburka soo gaaray dhismooyinka qaar iyo weliba gaari Ambulance ah.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in laba ka mida Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ay ku dhaawacmeen madaafiicdaasi, inkastoo aanay weli taasi ka hadlin Saraakiisha AMISOM.

Dadka ku dhaqan degmooyinka ku teedsan Garoonka Aadan Cadde ayaa sheegaya inay maqleen dhawr jug oo is xigxigtay.

Ururka Al Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda weerarkaasi, waxayna qoraal ku sheegeen in bartilmaameedkoodu uu ahaa Xerada Xalane.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com