Madaxweynaha Hirshabelle oo magacaabay Wasiiro

Madaxweynaha Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa magacaabay saddex Wasiir oo cusub, isagoona xilka ka qaaday Wasiiro hore.

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha Hirshabelle ayaa Maxamed Cumar Ceymoy loogu magacaabay inuu noqdo Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka.

Xildhibaan Saalax Maxamed Xasan ayaa loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Biyaha iyo Tamarta.

Xildhibaan Saadaq Salaad Warsame ayaa isna loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta iyo Xiriirka Caalamiga.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com