Madaxweynaha Jubbaland oo soo gaaray Muqdisho (SAWIRRO)

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa galabta soo gaaray Magaalada Muqdisho.

Wafdiga Madaxweynaha Jubbaland ayaa ka soo amba-baxay Magaalada Kismaayo, waxaana uu Madaxweynaha Jubbaland ku biiraya Madaxweynaha Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe), oo maalmahaanba ku sugnaa magaalada.

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Arbacada berrito lagu wadaa in uu soo gaaro Magaalada Muqdisho.

Sidoo kale Madaxweyne-yaasha Galmudug iyo Koonfur Galbeed, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) iyo Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ayaa iyaguna lagu wadaa inay soo gaaraan Caasimadda Muqdisho.

Madaxda Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa lagu wadaa in shir ku yeeshaan Xerada Afisyooni, oo ku barbar taala Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde.

Xoogaga Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ayaa la filayaa inay suggi doonaan ammaanka goobta shirka.

Shirka ayaa laga soo wareejiyay Aqalka Villa Somalia, ka dib markii Madaxda Puntland iyo Jubbaland ay dalbadeen in shirka lagu qabto goob amnigeeda lagu kalsoon yahay.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com