Axmed Madoobe oo la kulmay Shariifka & Xasan Sheekh (SAWIRRO)

Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), Madaxweynaha Jubbaland ayaa hoyga uu ka degan yahay Magaalada Muqdisho waxaa uu gelinkii dambe ee maanta ku qaabilay Madaxweyne-yaashii hore ee Somaliya, Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Shariif Maxamuud.

Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Jubbaland ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha Jubbaland uu madaxdii hore ee dalka kala sheekeystay, sidii dalka looga qaban lahaa doorasho loo dhan yahay.

“Iyadoo ay qayb ka tahay dadaalka uu Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ugu jiro, sidii heshiis loo dhan yahay looga gaari lahaa arrimaha doorashada ayuu Maanta la kulmay Madaxweynayaashii hore ee dalka Mudane Shariif Sheekh Axmed iyo Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo kala sheekaystay sidii dalka loogu jihayn lahaa hannaan doorasho oo la isku raacsan yahay.” Ayaa lagu yiri qoraalka.

Madaxweyne-yaasha Jubbaland iyo Puntland ayaa horey ugu baaqay in shirka wadatashiga qaran laga soo qaybgeliyo Golaha Midowga Musharaxiinta, taasoo uu ka gows-adeegay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Wadahadaladii Midowga Musharaxiinta iyo Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa habeenimadii Khamiista guuldareystay, ka dib markii kulankii ay habeenkaasi yeesheen uu bilaa natiijo ku soo dhammaaday, sababtuna ay tahay Midowga Musharaxiinta oo dalbaday in shirka lagu soo biiriyo, Ra’iisal Wasaaruhuna uu ku cudurdaartay inaanu go’aankaasi keligii lahayn.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com