Madaxweynaha Jubbaland oo hoygiisa ku qaabilay James Swan

Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa hoyga uu ka degan yahay Magaalada Muqdisho waxaa uu xalay ku qaabilay Wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Somaliya, Amb. James Swan.

War ka soo baxay Madaxtooyada Jubbaland ayaa lagu sheegay in kulanka looga hadlay arrimaha doorashooyinka ee dalka, oo khilaaf badani uu hareeyay.

Warka ayaa lagu yiri “Madaxweynaha Dowladda Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa kulan la qaatay Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Somaliya, James Swan.”

“Kulankan oo ka dhacay hoyga uu Madaxweynuhu ka degan yahay Magaalada Muqdisho waxaa lagaga hadlayay arrimaha doorashada.”

“Madaxweynaha Dowladda Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa Magaalada Muqdisho u yimid, sidii xal looga gaari lahaa kala aragti duwanaanshaha arirmaha doorashada ka taagan.”

Beesha Caalamka ayaa dadaal badan ku bixineysa, sidii markale ay miiska wadahadalada isugu imaan lahaayen Madaxda Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa Talaadadii soo gaaray Magaalada Muqdisho, waxaana maanta la filayaa in sidoo kale ay soo gaaraan Madaxda Puntland, Galmudug iyo Koonfur Galbeed.

Shirka wadatashiga qaran oo saddex jeer oo hore baaqday ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socdo uu si rasmi ah Magaalada Muqdisho uga furmo.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com