Madaxweynihii hore ee Somaliya, Cali Mahdi Maxamed oo geeriyooday

Allaha u naxariistee Madaxweynihii hore ee Somaliya, Cali Mahdi Maxamed ayaa caawa ku geeriyooday Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Marxuumka ayaa ku geeriyooday isbitaal ku yaala Magaalada Nairobi, halkaasoo arrimo caafimaad loogu qaaday maalmo ka hor, ka dib markii uu ku xanuunsaday Magaalada Muqdisho.

Geerida Madaxweynihii hore ayaa waxaa goor dhow Warbaahinta u xaqiijiyay xubno ka tirsan qoyskiisa oo ku sugan Magaalada Muqdisho.

Cali Mahdi ayaa sanadkii 1991-kii loo magacaabay Madaxweynaha Somaliya, ka dib markii ay burburtay Dowladdii Dhexe.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com