Ra’iisal Wasaare Rooble oo ka tacsiyadeeyay geerida Cali Mahdi

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa qoyska, ehelada, asxaabta iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyay geerida naxdinta leh ee ku timid Allaha u naxariistee Madaxweynihii hore ee Somaliya, marxuum Cali Mahdi Maxamed.

“Waxaan geerida Madaxweynihii hore uga tacsiyeynayaa qoyskii uu ka baxay, asxaabtiisii iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed.” Ayuu yiri Ra’iisal Wasaaraha.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa Alle uga baryay in uu Jannadiisa Fardowsa ka waraabiyo, ehelkiisii iyo guud ahaan Shacabka Soomaaliyeedna uu samir iyo iimaan ka siiyo.

Allaha u naxariistee Marxuum Cali Mahdi Maxamed ayaa ahaa Madaxweynihii 4aad ee Jamhuuriyadda, waxa uu siyaasadda ku jiray muddo dheer, isagoo sidoo kalena ahaa ganacsade iyo oday Soomaaliyeed oo kaalin weyn ka soo qaatay dib u heshiisiinta iyo isu soo dhaweynta shacabka Soomaaliyeed.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com