Shariif Sheekh Axmed, Madaxweynihii hore ee Somaliya ayaa ka tacsiyadeeyay geerida caawa ku timid Madaxweynihii hore ee Somaliya, Cali Mahdi Maxamed.
Cali Mahdi ayaa caawa ku geeriyooday isbitaal ku yaala Magaalada Nairobi, halkaasoo arrimo caafimaad loogu qaaday maalmo ka hor, ka dib markii uu ku xanuunsaday Magaalada Muqdisho.

Shariif Sheekh Axmed ayaa yiri “Waxaan murugada la qaybsanayaa guud ahaan shacbiga Soomaaliyeed anigoo uga tacsiyeynaya geerida Madaxweynihii hore Cali Mahdi Maxamed oo Nairobi ku geeriyooday.”
“Wuxuu dalka usoo shaqeeyey xilli adag isagoo qayb ka qaatay shirar badan oo dib u heshiisiineed oo Soomaalida gudaha iyo banaankaba loogu qabtay.”
“Waxaan si gaar ah tacsi ugu dirayaa qoyskiisa iyo qaraabada, Allaha u naxariisto Samir iyo Iimaanna Allaha naga siiyo.”
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com