Axmed Madoobe oo la kulmay Safiirka cusub ee Ingiriiska (SAWIRRO)

Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), Madaxweynaha Jubbaland ayaa gelinkii dambe ee maanta Magaalada Muqdisho kula kulmay Safiirka cusub Ingiriiska ee Somaliya, Kate Foster.

Safiiradda ayaa waxaa Arbacadii waraaqaha aqoonsiga ee safiirnimo ka guddoomay Madaxweynaha Somaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

War qoraala oo ka soo baxay Madaxtooyada Jubbaland ayaa lagu faah faahiyay waxyaabihii kulankaasi looga hadlay.

Warka ayaa lagu yiri “Madaxweynaha Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa galabta hoygiisa Magaalada Muqdisho ku qaabily Danjiraha cusub ee Dowlada ingiriiska u qaabilsan Somaliya, Marwo Kate Foster.”

“Madaxweynaha iyo Safiirka ayaa isbarasho iyo soo dhaweyn ka dib, ka wadahadlay xaalada siyaasasadeed ee dalka, arrimaha doorashada iyo shirka la filayo in uu dhawaan ka qabsoomo Magaalada Muqdisho, si xal rasmi ah looga gaaro arrimaha doorashada dalka.

“Sidoo kale Madaxweynaha iyo Safiirka ayaa ka wadahadlay, sidii gurmad loogu fidin lahaa dadka iyo duunyada abaartu saameysay ee Gobolka Gedo iyo deegaanada kale ee Jubbaland.”

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com