Madaxweynaha Jubbaland oo la kulmay xubno uu horkacayay Cumar Filish

Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa caawa Magaalada Muqdisho kula kulmay xubno uu ka mid yahay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish).

Xubnahan ayaa qayb ka ah Guddiga qaban-qaabada ee aaska Madaxweynihii hore ee Somaliya, Cali Mahdi Maxamed oo xalay ku geeriyooday dalka Kenya.

Ma cadda waxa kulankaasi looga hadlay, balse qoraal la soo dhigay barta Madaxtooyada Jubbaland ku leedahay Facebook ayaa u qornaa “Waxaan caawa la kulmay Guddiga qaban-qaabada aaska Alle ha u naxariistee Madaxweynahii hore ee dalka, Marxuum Cali Mahdi Maxamed, kuwaas oo uu hoggaaminayay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir.”

Dhanka kale waxaa soo baxaya warar sheegaya in Madaxweynaha Jubbaland uu Guddiga ka wareystay qaabka ay aaska Madaxweynihii hore u qaban-qaabinayaan iyo weliba goobta uu aaskiisa ka dhici doono.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa mar sii horeysay oo maanta ah sheegay in shaqada Guddiga ay tahay diyaarinta hab maamuuska dowliga ah ee aaska qaran ee Madaxweynihii hore loo samaynayo.

Wax badan lagama ogo in Madaxweynaha Jubbaland ka qaybgeli doono aaskaasi qaran iyo in kale, balse Madaxda Qaranka ayaa Salaadda Janaasada meydka marxuumka kula tukan doono Garoonka Aadan Cadde, Jimcaha berrito.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com