Rooble oo magacaabay guddiga aaska Madaxweynihii hore ee dalka, Cali Mahdi

Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay guddi ka shaqeeya aaska qaran ee loo sameynayo Allaha u naxariistee Madaxweynihii hore ee dalka, marxuum Cali Mahdi Maxamed oo ku geeriyooday dalka Kenya.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa magacaabay guddigan oo ka kooban Xukuumadda, Xildhibaano, qaybaha bulshada iyo qoyska marxuumka, waxayna kala yihiin:-

  1. Xasan Xundubeey Jimcaale, Guddoomiye
  2. Cismaan Abokar Dubbe, Guddoomiye ku-xigeen
  3. Cumar Maxamuud Maxamed (Filish), Xubin
  4. Janaraal Mukhtaar Xuseen Afrax, Xubin
  5. Xasan Xuseen Xaaji, Xubin
  6. Eng. Cabdullaahi Abuukar Xaaji (Carab), Xubin
  7. Durraan Axmed Faarax, Xubin
  8. Cumar Cali Rooble, Xubin
  9. Xil. Cabdullaahi Maxamed Nuur, Xubin
  10. Xil. Maxamed Axmed Abtitoon, Xubin
  11. Cabdulqaadir Xaaji Xasan (Gureey), Xubin

Ra’iisal Wasaare Rooble ayaa faray guddigan in ay si deg-deg ah u gudagalaan aaska madaxweynihii hore Cali Mahdi Maxamed.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com