Ra’iisal Wasaaraha Israell ayaa dib u dhigay booqasho taariikhi ah oo la filayay inuu ku tago Wadanka Imaaraadka Carabta, ka dib markii uu culeys ka yimid hannaankii qorsheynta duullimaadkiisa ee hawada Urdun.
Benjamin Netanyahu ayaa lagu waday inuu Dubai u duulo maanta oo Khamiis ah, si uu halkaas kulan ugula soo yeesho Dhaxal Sugaha Boqortooyada Imaaraadka, Sheekh Maxamed Bin Zayed.
Hase yeeshee xafiiskiisa ayaa sheegay in masuuliyiinta dalka Urdun ay daahiyeen fasixii la doonayay in ay hawadooda ugu oggolaadaan muddo dhowr saacadood ah.

Arrintan ayaa timid hal maalin kaddib markii lagu soo warramay in Dhaxal Sugaha Boqortooyada Urdun uu joojiyay safar uu damacsanaa inuu ku tago magaalada Qudus. Tallaabadaas ayaa daba socotay muran soo kala dhex galay Israel iyo Urdun.
Amiir Xuseen Bin Cabdalla ayaa qorsheynayay inuu booqdo masaajidka Al-Aqsa, halkaasoo ah meel ay dadka muslimiinta ah sharfaan kuwa Yuhuudda ahna ay macbad ahaan u aaminsan yihiin.
Wafdiga boqortooyada ayaa ka laabtay bar koontarool oo ay Israa’iiliyiinta maamulaan kaddib markii lagu murmay tirada ilaalada ee raaceysa Amiirka, sida laga soo xigtay warbaahinta Israa’iil.
Wariyaha BBC-da ee ku sugan magaalada Qudus, Tom Bateman, ayaa sheegay in markaas kaddib ay dhibaato soo wajahday qorsheyntii safarka Mr Netanyahu ee uu ku adeegsan lahaa hawada Urdun, inkastoo dowladda Urdun ay ka gaabsatay inay ka jawaabto markii aan wax ka weydiinnay.
Tallaabadan Amiirka Urdun iyo Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil mid walba looga baajiyay safarka ayaa ka dhigan khilaaf diblomaasiyadeed oo labada dal soo kala dhex galay, sida uu sheegay Wariyaha.
Xafiiska Mr Netanyahu ayaa sheegay in dowladda Urdun ay markii dambe oggolaatay in hawadeeda la isticmaalo balse xilligaas uu ahaa mar uu safarka Ra’iisul Wasaaraha baaqday oo aan dib loo qorsheyn karin.
Ilaa hadda wax war ah oo arrimahan la xiriira kama uusan soo bixin dowladda Urdun. Dalkan ayaa ahaa kii labaad ee carabta ka tirsan oo Israa’iil heshiis nabadeed si rasmi ah ula saxiixda sanadkii 1994-kii, tan iyo xilligaasna xiriirkooda mararka qaar ayuu mugdi galayay.
Safarka Mr Netanyahu – oo noqon lahaa kii ugu horreeyay ee Ra’iisul Wasaare Israa’iil ah uu ku tago Isutagga Imaaraadka Carabta – ayaa u muuqday mid taageero siyaasadeed siinaya siyaasigan ka hor inta aan doorashada guud la qabanin dabayaaqada bishan.
Isutagga Imaaraadka wuxuu ka mid yahay afar waddan oo carbeed oo sanadkii lasoo dhaafay heshiis la galay xiriir diblomaasiyadeedna oo buuxda la sameystay Israa’iil.
Saddexda dal ee kale ayaa kala ah Baxreyn, Suudaan iyo Morocco.
BBC.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com