Madaxweynihii hore ee dalka oo lagu aasay xaafadda Towfiiq ee D/yaaqshiid

Allaha u naxariistee Madaxweynihii hore ee dalka, marxuum Cali Mahdi Maxamed ayaa maanta lagu aasay Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir.

Meydka marxuumka ayaa saakay diyaarad lagu keenay Magaalada Muqdisho, ka dib markii uu Arbacadii ku geeriyooday isbitaal ku yaala Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Madaxda Dowladda Federaalka, Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka, Xubnaha Midowga Musharaxiinta qaarkood, Wasiiro, Xildhibaano, Madaxweynaha Hirshabeelle, Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida, Duubabka Dhaqanka, Culimada Soomaaliyeed, ehelada marxuumka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa meydka Madaxweynihii hore Salaadda Janaasada kula tukaday Garoonka Aadan Cadde.

Intaasi ka dib meydka Madaxweynihii hore ee dalka ayaa loo qaaday dhanka Masaajid uu ka dhisay xaafadda Towfiiq ee Degmada Yaaqshiid, halkaasoo uu horaan ka dardaarmay in lagu aaso.

Prof. Xasan Sheekh Nuur oo ka mid ah dadkii ay is garanayeen Madaxweynihii hore ayaa sheegay in uu marxuumka goob ka dhex calaamadeystay Masaajidkaasi, isla-markaana uu ka dardaarmay in lagu aaso.

Allaha u naxariistee Cali Mahdi ayaa xilka madaxtinimada ee dalka loo magacaabay 1991-kii, isagoona markaasi noqday Madaxweynihii 4aad ee dalka uu yeesho.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com