Marxuum Cali Mahdi oo maanta lagu aasi doono Magaalada Muqdisho

Allaha u naxariistee Madaxweynihii hore ee Somaliya, marxuum Cali Mahdi Maxamed ayaa maanta lagu wadaa in lagu aaso Magaalada Muqdisho.

Marxuumka ayaa habeenkii Arbacada ku geeriyooday isbitaal ku yaala Magaalada Nairobi, halkaasoo maalmo ka hor arrimo caafimaad loogu qaaday, ka dib markii uu ku xanuunsaday Magaalada Muqdisho.

Cismaan Abokar Dubbe, Wasiirka Warfaafinta Somaliya ahna Gudoomiye Kuxigeenka Guddiga qaban-qaabada ee aaska Madaxweynihii hore ayaa goor dhow sheegay in meydka marxuum Cali Mahdi Maxamed 9:00 subaxnimo la keeni doono Magaalada Muqdisho.

Wasiirka ayaa intaa ku daray in Madaxda Qaranka ay Salaadda Janaasada meydka marxuumka kula tukan doonaan Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde, ka hor inta aan la aasin.

Wasiir Dubbe ayaa xusay aaska marxuumka in ay ka qayb doonaan qoyskii, eheladii iyo culimadii uu ka baxay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in muddo saddex cisho ah loo baroordiiqi doono Madaxweynihii hore ee dalka, iyadoona muddadaasi hoos loo dhigi doono Calanka Jamhuuriyadda.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com