Axmed Madoobe oo la kulmay Safiirka Jabuuti ee dalka u joogga

Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa hoyga uu ka degan yahay Magaalada Muqdisho ku qaabilay Danjiraha Jamhuuriyadda Jabuuti u fadhiya dalka, Danjire Aadan Xasan Aadan.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ku sheegay in Danjiraha ay ka wadahadleen arrimaha doorashooyinka ee dalka.

Madaxweynaha ayaa yiri “Waxaa maanta booqasho iigu yimid Safiirka Dowladda aan walaalaha nahay ee Jabuuti, Danjire Aadan Xasan Aadan, oo aan ka wadahadalnay arrimaha doorashada dalka iyo dardargelinta shirka soo socda ee lagaga hadlayo xal u helidda ismari-waaga doorashooyinka.”

Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), Madaxweynaha Jubbaland ayaa tan iyo Talaadadii Magaalada Muqdisho ka wada kulamo horudhac u ah shirka wadatashiga qaran.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com