Gudoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Somaliya, Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa maanta Magaalada Muqdisho kula kulmay Safiirka Ingiriiska ee dalka, Kate Foster
Qoraal ka soo baxay Xafiiska Gudoomiyaha Aqalka Sare ayaa lagu sheegay in kulanka looga hadlay arrimaha doorashooyinka dalka iyo caqabadaha ku gadaaman.
Qoraalka ayaa lagu yiri “Gudoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Somaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa kulan gaar ah la qaatay Safiirka cusub ee Dowladda Ingiriiska u fadhiya Somaliya, Marwo Kate Foster.”
“Gudoomiyaha iyo Safiirka waxay ka wadahadleen xaaladda guud ee dalku marayo iyo sidii xal looga gaari lahaa arrimaha ku hor gudban doorashooyinka la filayo in dhowaan ay dalka ka qabsoomaan.”
Kate Foster oo maalintii Arbacada uu waraaqaha aqoonsiga ee safiirnimo ka guddoomay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa bilowday dadaalo qayb ka ah, sidii looga gudbi lahaa khilaafka hareeyay doorashooyinka, dalkuna uu doorasho u aadi lahaa.




Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com