Itoobiya oo si kulul ugu jawaabtay Mareykanka

Wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya ayaa hadal dhawaan ka soo yeedhay xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Antony Blinken ee ahaa Itoobiya iney deegaanka Tigraay ‘Ciribit qowmiyadeed’ ka waddo, ku tilmaantay ‘Mid khalad ah oo aan xaqiiqda ku saleysneyn”.

Warmurtiyeedka wasaaradda waxaa lagu sheegay dowladda Itoobiya dagaalka deegaanka Tigraay ay ka fulisay inuu ahaa mid lagu sugayey ‘sharciga iyo kala dambeynta’, howlgalka marka uu soo dhammaadayna ay jirin ‘Ciribtir qowmiyadeed’ inuu deegaankaasi ka dhicin.

Blinken oo hortegay guddiga arimaha dibedda u qaabilsan Congress-ka ayaa sheegay in loo baahan yahay in gobolka Tigray laga saaro xooggaga Eritrea iyo kuwa deegaanka Amxaarada, laguna bedalo “ciidamo aan tacaddiyo ka geysan doonin gobolkaas.”

Xoghayaha ayaan faahfaahin waxa uu ula jeedo ciidankaas, iyadoo qaar kamid ah xubnaha guddiga ay weydiiyeen in loo baahan yahay in hawlgal nabad ilaalin ah loo diro gobolka Tigray.

“Dhibaatada ka taagan Itoobiya ayaa ah mid weyn. Si dhaw ayaan ula soconaa, gaar ahaan xaaladda Tigray, halkaas oo laga soo sheegay tacaddiyo baahsan oo ka dhan ah shacabka,” ayuu yiri Blinken.

Haddaba wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya oo soo saartay warmurtiyeed ay eedda Mareykanka uu u soo jeediyey uga jawaabeyso ayaa sheegtay “Eedda Itoobiya loo soo jeediyey iney tahay iney xaqiiqda ku saleysneyn ayna tahay dacwad khalad ah’.

Antony Blinken wuxuu sheegay xadgudubyada xuquuqda aadanaha iyo dilalka ka dhacay deegaanka Tigraay iney caddeymo u hayaan isaga oo dowladda Itoobiya ka codsatay iney xadgudubyadaasi joojiso.

Mr Bilinken waxaa kale uu sheegay wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka warmurtiyeed ay horay arrimaha Itoobiya uga soo saartay inuu kala hadlay ra’isal wasaare Abiy Axmed.

“Si weyn ayaan u fahansannahay walaaca uu ra’iisal wasaaraha ka qabo TPLF iyo ficillada ururkaas, balse lama aqbali karo xaaladda ka taagan Tigray, waana in wax laga bedalo,” ayuu sheegay Blinken.

Xukuumadda Addis Ababa oo ka jawaabtay hadal uu dhawaan xoghayaha arimaha dibedda ee Maraykanka ka sheegay xaaladda Tigray, ayaa sheegtay inay ka go’an tahay ka gungaaridda tacaddiyada laga soo sheegay gobolkaas.

Waxaase ay sheegtay in Maraykanka uu u muuqdo mid faragelinaya arrimaha gudaha ee Itoobiya, taasina ay tahay wax laga xumaado.

“Isku-dayga uu Maraykanka uga hadlayo arimaha gudaha ee Itoobiya, gaar ahaan xoogagga gobolka Amxaarada ee lagu sheegay war saxaafadeedka ayaa ah wax laga xumaado,” ayay sheegtay xukuumadda Addis Ababa.

Xukuumadda Ethiopia ayaa garawsatay rabshado ka dhacay qeybo kamid ah Tigray, waxaana ay ballanqaaday inay u oggolaaneyso baarayaal caalami ah inay gaaraan gobolka.

Guddiga xuquuqda aadanaha Itoobiya ayaa billaabay baaritaano ku aaddan wararka sheegaya in dad rayid ah lagu laayay colaadda ka taagan Tigray.

BBC.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com