Madaxweynaha Puntland oo gaaray Magaalada Muqdisho (SAWIRRO)

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa gelinkii dambe ee maanta soo gaaray Magaalada Muqdisho.

Wafdiga Madaxweynaha Puntland ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde ku soo dhaweeyay masuuliyiin kala duwan.

Madaxweynaha Puntland ayaa ku biiraya Madaxweyne-yaasha Hirshabelle iyo Jubbaland oo ku sugan Magaalada Muqdisho, waxaana sidoo kale la filayaa in magaaladu ay soo gaaraan Madaxda Galmudug iyo Koonfur Galbeed.

Madaxda Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa maalmaha soo socdo Muqdisho ku yeelan doono shir lagu dhameystirayo wadahadalada arrimaha doorashooyinka ee dalka.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa Madaxda Soomaalida ugu baaqay inay xal ka gaaraan khilaafka ka taagan doorashooyinka dalka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com