Qarax khasaaro gaystay oo caawa ka dhacay Magaalada Muqdisho

Wararka ka imaanaya Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in goor dhow oo caawa ah uu Degmada Xamar Jajab ka dhacay qarax jugtiisa laga maqlay, qaybo badan oo xaafadaha magaalada ah.

Qaraxan oo ahaa miino wadada dhinaceeda la dhigay ayaa wadada Afisyooni lagula eegtay gaari uu la socday Sarkaal ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka.

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in qaraxaasi uu haleelay gaarigii uu Sarkaalkaasi la socday, isla-markaana ay dhaawacmeen Sarkaalkaasi iyo ilaaladiisiiba.

Wararka ayaa intaa ku daraya Sarkaalkaasi oo lagu magacaabo Cumar Cabdiraxmaan iyo ilaaladiisii in loo qaaday goobaha caafimaadka, inkastoo nin askariya uu dhaawacaasi u geeriyooday.

Ciidamada ammaanka oo goobtaasi gaaray ayaa xiray wadada uu falku ka dhacay, iyagoona baaritaano ka wada.

Saraakiisha hay’adaha amniga ayaan ka hadlin qaraxan ugu dambeeyay ee caawa magaalada ka dhacay, sidoo kalena waxan jirin cid sheegatay masuuliyadda qaraxaasi, inkastoo Ururka Al Shabaab lala xiriirinayo.

In dhawaalaba waxaa Magaalada Muqdisho ka dhacayay qaraxyada hareeraha wadooyinka la dhigo, ee markaasi lala beegsanayo gaadiidka ay la socdaan Masuuliyiinta Dowladda iyo Saraakiisha Ciidamada.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com