Galmudug iyo K/galbeed oo ka horyimid in shirka lagu qabto Xerada Xalane

Maamulka Galmudug ayaa cago-jiid ka muujiyay ka qaybgalka shirka wadatashiga qaran, oo lagu wado in lagu qabto Xerada Xalane ee Magaalada Muqdisho.

Galmudug ayaa dalbaneysa in shirka Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir laga raro Xerada Xalane, laguna qabto Aqalka Villa Somalia, isla-markaana uu Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo muddeeyo goorta uu shirkaasi qabsoomayo.

Wasiirka Warfaafinta Galmudug, Axmed Shire Falagle ayaa sheegay in Galmudug ay qabto in Madaxda Soomaalida ay iyagu xalistaan, wixii khilaaf ee dhexdooda ah.

“Galmudug waxay ka aaminsantahay shirarka Soomaalida, khilaaf-yadeeda iyo hawlaheeda inay iyadu xalisato. Sida aad ogtihiin shirarkii ugu badnaa ee doorashada, Galmudug ayaa lagu qabtay, waxna waa lagu heshiiyay, waxna waa weli, marka Soomaalidu khilaafkeeda inay iyadu xalisataa loo baahan yahay, mar kastana isku filnaanshaha Somaliya ayaan u taaganahay.” Ayuu yiri Wasiirka oo la hadlay KNN.

Sidoo kale mid lamid ah mowqifka Galmudug ayaa waxaa qabta Koonfur Galbeed, oo aan iyadu doonayn in shirka wadatashiga qaran lagu qabto Xerada Xalane.

Madaxweyne-yaasha Koonfur Galbeed iyo Galmudug, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) iyo Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), oo si dhow loola xiriiriyo Villa Somalia ayaa ku sugan dalka Turkiga, iyagoona ka soo horjeedo in shirkaasi ay maamulkiisa qayb ka noqoto Beesha Caalamka.

Wakiilada Beesha Caalamka ayaa soo jeediyay in shirka lagu qabto Xerada Xalane, oo iyagu ay ka hawlgalaan, ka dib markii Madaxda Puntland iyo Jubbaland ku baaqeen in shirka looga hadlayo arrimaha doorashooyinka ee dalka lagu qabto goob amnigeeda lagu kalsoon yahay.

Tani ayaa xoojineysa ismari-waagii ka taagnaa doorashada sanadkan lagu wado in dalka ka dhacdo.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com