Macluumaad: Dhageysiga dacwadda badda Somaliya & Kenya oo maanta bilaabaneysa

Waxaa maanta lagu wadaa in Maxkamadda Cadaaladda Adduunka (ICJ) ay bilowdo dhageysiga dacwadda badda ee Somaliya kala dhaxeysa Kenya.

Maxkamadda ICJ ayaa 1-dii bishan sheegtay in dhageysiga dacwadda badda ee labada dal bilaaban doonto 15-ka bishan oo maanta ku beegan, isla-markaana ay socon doonto illaa 19-ka bishan, loona qaban doono qaab Online ah, marka laga reebo tiro yar oo kooban oo ku sugnaan doonto maxkamadda gudaheeda, sababo ku aaddan xanuunsida COVID-19 oo weli dunida ku faafaya.

Magaalada Hague ee dalka Netherlands waxaa ku sugan wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisal Wasaare Kuxigeenka Somaliya, Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar).

Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Saleemaan Maxamed Maxamuud oo qayb ka ah wafdiga Ra’iisal Wasaare Kuxigeenka ee ku sugan Magaalada Hague ayaa sheegay in dhankooda ay si wanaagsan u soo diyaargaroobeen.

Dhanka kale Warbaahinta Kenya ayaa ku warameysa in Xukuumadda Nairobi ay isaga baxday ka qayb qaadashada dhageysiga kiiska badda, sababtuna ay tahay iyadoo Kenya ku andacooneyso inaanay Maxkamadda ICJ si cadaalad ah ula dhaqmayn Kenya, isla-markaana aanay maxkamaddu doonayn inay tixgeliso codsigii Kenya ee ahaa in markale dib loo dhigo dhageysiga dacwadda badda.

Qoraal ka soo baxay Xafiiska Xeer Ilaalinta Kenya ayaa lagu sheegay ka qaybgalka dhageysiga kiiska Garsoore Cabdulqawi Axmed Yuusuf oo Soomaali ah, ay taasi shaki gelin karto kalsoonida Kenya ku qabi karto in maxkamadda ay dhexdhexaad arrimahan ka noqoto.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in kiiska sidaan u weyn aan muuqaalka foggaan-aragga ee khadka Internet-ka lagu qaban karin, xilli qareenada dhanka Kenya ee kiiska difaacaya ay u baahan yihiin in sharaxaad badan ka bixiyaan doodooda, iyagoo markaasi tusaale adeegsanaya.

Xeer Hoosaadyada Maxkamadda ICJ ayaa dhigaya in xaq u leedahay maxkamaddu inay sii waddo dhageysiga dacwadda, haddii mid ka mida uu go’aansado inuu isaga baxo ka qaybgalka kiiska.

Kenya ayaan noqon doonin dalkii ugu horeeyay ee isaga baxa dacwad ka bilaabaneysay Maxkamadda Cadaaladda Adduunka. Sanadkii 2013 ayay ahayd markii Shiinaha uu isaga baxay dacwad muran dhanka badda la xiriiray oo kala dhaxeysay dalka Philippines, maxkamadda ayaana markii dambe kiiskaasi u xukuntay Philippines.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com