Shabaab oo afar nin ku toogtay Fagaaraha deegaanka Ceelcadde

Wararka ka imaanaya deegaanka Ceelcadde ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in maleeshiyada Ururka Al Shabaab ku toogteen afar nin, oo midkood uu ganacsade ahaa.

Ciidamada sida booliska u tababaran ee Xisbada Al Shabaab ayaa gelinkii dambe ee Axaddii afartaasi nin ku toogtay Fagaaraha deegaanka Ceelcadde, oo qiyaastii 60km u jira Magaalada Garbahaarey ee Xarunta Gobolka Gedo.

Gaadiid cod baahiye-yaal lagu soo xiray ayaa dadka deegaanka ku wargeliyay in ay isugu soo baxaan fagaarahaasi, oo xukun dil ahi laga fulin doono.

Qaadiga Maxkamadda Al Shabaab ee Gobolka Gedo ayaa raggaasi ku eedeeyay in ay u basaasayeen dhinacyada dagaalka kula jira Shabaabka hubeysan ee dalka ka dagaalama.

Xaaji Aadan Duuble Xasan oo 60 jir ahaa ayaa ka mid ah afarta nin ee Shabaabku ku toogteen Fagaaraha deegaanka Ceelcadde.

Xaaji Aadan Duuble oo nin ganacsade ahaa ayay Shabaabku 3 sano ka hor ka soo xireen Degmada Saakow ee Gobolka Jubbada Dhexe, iyadoona uu muddadaas ku xirnaa xabsiyada Al Shabaab.

Duuble oo si weyn looga garanayay Gobolada Jubbooyinka ayaa tallaabada lagu toogtay waxay hadalhayn ka dhex dhalisay bulshada qaybteed.

Saddexda nin ee kale ayaa lagu kala magacaabi jiray Ibraahim Horow 25 jir, Cali Cumar Axmed 42 jir iyo Axmed Cali Dhuxul oo 50 jir ahaa.

Shabaabku ma soo bandhigaan cadeymo iyo qiraal muujinaya dadka ay xukunada fuliyaan, marka laga soo taggo oraahda looga bartay ee ah ‘isagaa qirtay’.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com