Wararkii ugu dambeeyay weerarkii Shabaab ku galeen Degmada Mahadaay

Maleeshiyada Ururka Al Shabaab ayaa galabta weerar culus ku qaaday Degmada Mahadaay ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

Ciidamada Dowladda ayaa iska caabiyay maleeshiyadii Al Shabaab ee weerarka soo qaaday, inkastoo markii uu dagaalku kululaaday ay isaga baxeen degmadaasi, qaarkoodna ay taggeen xerada Ciidamada AMISOM ku leeyihiin duleedka degmadaasi.

Maleeshiyada Al Shabaab ayaa saacado ku sugnaa Degmada Mahadaay, iyadoona la sheegay in xaafadda Kacaanka ay kula hadleen qaar ka mid ah dadka deegaanka.

Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in Shabaabku ay dib uga baxeen degmadaasi, haatana ay degan tahay xaaladda degmada.

Ciidamada Dowladda ayaa caawa dib ula wareegay gacan ku haynta Degmada Mahadaay oo qiyaastii 26km u jirto Magaalada Jowhar.

Gudoomiyaha Degmada Mahadaay, Axmed Xuseen Afrax ayaa Warbaahinta u sheegay in xaaladda degmadaasi ay caawa degan tahay, lagana difaacay maleeshiyadii Al Shabaab ee weerarka soo qaaday, sida uu yiri.

Gudoomiyaha ayaa tibaaxay inaysan jirin cid wax ku noqotay weerarkaasi, isla-markaana aanay ku cusbeyn weerarada Al Shabaab.

Ururka Al Shabaab ayaan dhankooda ka hadlin weerarka ay galabta ku qaadeen degmadaasi.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com