Xoogaga Danab oo fashiliyay gaari walxaha qarxa lagu soo raray

Xoogaga Kumaandooska Danab ayaa maanta fashiliyay gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay, laguna diyaariyay deegaanka Tooratoorow ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Taliska Danab ayaa sheegay in hawlgal gaar ahi oo ciidanku ka fuliyeen deegaankaasi lagu fashiliyay qaraxaasi, ka dib markii xog la xiriira ay helleen.

Taliska Danab ayaa sheegay in qaraxaasi uu ku dhintay mid ka mid ah maleeshiyada Al Shabaab, kaasoo sida ay sheegeen wade ka ahaa gaariga walxaha qarxa la soo saaray, oo noociisu ahaa SURF.

Qoraal ka soo baxay Taliska Danab ayaa lagu yiri “Ciidanka Kumaandooka Danab oo saaka hawlgal qorsheysan ka fuliyay Degmada Tooratoorow ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa fashiliyay gaari qarax ah, oo noociisu yahay SURF.”

“Ciidanka Danab oo sii haayay xogta gaariga qarax ah inuu ku diyaarsan halkaas ayaa qarxiyay gaarigaas, waxaana ku dhintay 1 dhagarqabe Al Shabaab ah oo wadey gaarigaas.”

Ma cadda halka uu gaarigaasi ku sii jeeday, balse waxaa soo baxaya warar sheegaya in uu ku wajahnaa dhanka Magaalada Muqdisho.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com