Axmed Madoobe & Deni oo la kulmay Shariif Sheekh Axmed (SAWIRRO)

Madaxweyne-yaasha Maamulada Puntland iyo Jubbaland, Siciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta la kulmay Madaxweynihii hore ee dalka, Shariif Sheekh Axmed.

Qoraal la soo dhigay barta Madaxtooyada Jubbaland ku leedahay Facebook ayaa lagu muujiyay kulankan, inkastoo aan lagu faah faahin waxyaahii looga hadlay. Qoraalka ayaana u qornaa “Madaxweynaha Dowladda Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam, oo uu wehelinayo Madaxweynaha Puntland, Mudane Siciid Cabdullahi Deni ayaa kulan la qaatay Madaxweynahii hore ee Jamhuuriyadda Federaalka Somaliya, Mudane Shariif Sheekh Axmed.”

Hase ahaatee Shariif Sheekh Axmed, Madaxweynihii hore ee dalka ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in kulankaasi looga hadlay arrimaha doorashooyinka ee dalka.

“Waxaan kulan la qaatay maanta M/weynayaasha Puntland iyo Jubbaland, oo aan ka wadahadalnay sida xal looga gaari karo khilaafka arrimaha doorashooyinka iyo sidii dalka uga dhici lahayd doorasho loo dhan yahay oo si nabad ah ku dhacdo.” Ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed oo warkan ku sheegay bartiisa Facebook.

Kulankan ayaa imaanaya, iyadoo uu khilaaf hor leh ka dhashay goobta ay tahay in lagu qabto shirka wadatashiga qaran, ee looga hadlayo hannaanka geedi-socodka ee doorashooyinka dalka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com