Dowladda oo deeq lacageed gaarsiisay Magaalada Garbahaarey (SAWIRRO)

Wafdi ay hoggaamineysay Wasiirka Gargaarka & Maareynta Masiibooyinka Xukuumadda, Khadiijo Maxamed Diiriye uuna qayb ka ahaa Wasiirka Warfaafinta, Cismaan Abokar Dubbe ayaa maanta gaaray Magaalada Garbahaarey ee Xarunta Gobolka Gedo.

Wafdiga ayaa waxaa Magaalada Garbahaarey ku soo dhaweeyay Maamulka Gobolka, kan degmada, dadka deegaanka iyo masuuliyiin kale.

Ujeedada wafdiga ayaa ahayd, sidii looga jawaabi lahaa abaaraha baahsan ee laga soo sheegayo inay ka jiraan qaybo ka mid ah Gobolkaasi Gedo. Abaaraha ayaa ka dhashay iyadoo labadii xilli ee ugu dambeysay aanay wax roob ahi halkaasi ka da’in.

Wafdiga ayaa Maamulka Gobolka iyo kan Degmada Garbahaarey ku wareejiyay lacag dhan boqol kun oo lacagta Mareykanka ah ($100,000), si biyo dhaamin dadka ku nool deegaanada fog fog ee miyiga. Deeqdan lacageed waxaa la sheegay inay ka timid qurbajoogta Soomaaliyeed oo iska soo uruuriyay.

Wasiir Kuxigeenkii Arrimaha Gudaha ee Jubbaland, Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen, haatana ka mid ah Masuuliyiinta Dowladda Federaalka uga wakiilka ah Gobolka Gedo ayaa sheegay in abaarta ka jirta gobolka ay dhibaato xoog leh u gaysatay dadka deegaanka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com