Gudoomiyaha Aqalka Sare oo la kulmay Madaxweynaha Puntland (SAWIRRO)

Gudoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Somaliya, Senator Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa maanta Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ku booqday hoyga uu ka degan yahay Magaalada Muqdisho.

Gudoomiyaha Aqalka Sare iyo Madaxweynaha Puntland ayaa ka wadahadlay arrimaha murugsan ee ka taagan geedi-socodka doorashooyinka dalka.

“Gudoomiyaha iyo Madaxweynaha ayaa ka wadahadlay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka.” Ayaa lagu yiri qoraal la soo dhigay barta Aqalla Sare ee Facebook.

Kulankan ayaa ku soo aadaya, xilli khilaaf hor leh uu ka dhashay goobta ay tahay in lagu qabto shirka wadatashiga qaran, ee looga hadlayo arrimaha doorashooyinka ee dalka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com