Qoorqoor oo casho u sameeyay Midowga Musharaxiinta (SAWIRRO)

Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) oo maanta ku soo laabtay Magaalada Muqdisho ayaa caawa casho sharaf Xubnaha Midowga Musharaxiinta qaarkood ugu sameeyay hoyga uu ka degan yahay magaalada.

Kulankan ayay Madaxtooyada Galmudug ku warantay in uu qayb ka yahay kulamada horudhac u ah shirka looga arrinsanayo arrimaha doorashooyinka ee dalka.

“Madaxweynaha Dowladda Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa hoyga uu ka degan yahay Magaalada Muqdisho caawa casho sharaf ugu sameeyay Modawga Musharaxiinta xilka madaxtinimo ee dalka. Kulanka ayaa wuxuu hordhac u yahay kulamada guud ee looga arrinsanayo arimaha doorashooyinka.” Ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Galmudug.

Gudoomiyaha Golaha Midowga Musharaxiinta, Shariif Sheekh Axmed ayaa goor dambe ka qaybgalay kulankaasi, sida ku cad muuqaal la soo dhigay barta Madaxtooyada Galmudug ku leedahay Facebook.

Madaxweynaha Hirshabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaana ka qaybgalay kulankaasi.

Madaxweyne Qoorqoor oo si dhow loola xiriiriyo Villa Somalia ayaa ka soo horjeestay in shirka wadatashiga qaran lagu qabto Xerada Xalane.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com