Kate Foster “Waxaan Qoorqoor isla garanay in la jooggo, xilligii dhinacyadu isu imaan lahaayen”

Safiirka Ingiriiska ee Somaliya, Kate Foster iyo Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi kaariye (Qoorqoor) ayaa maanta kulan ku yeeshay muuqaalka foggaan-araga ee Internet-ka.

Safiirka Ingiriiska ayaa sheegtay in Madaxweynaha Galmudug ka wadahadleen, sidii dalka uga qabsoomi laheyd doorasho lagu wada qanacsan yahay, isla-markaana ay Boqortooyada UK sii wadi doonto taageeradeeda ku aaddan Madaxda Soomaalida.

“Boqortooyada Midowday (UK) waxay sii wadi doontaa taageerada dadaalada ay hoggaaminayaan Soomaalida, si loo qabto doorashooyin loo wada dhan yahay oo lagu kalsoonaan karo.” Ayay tiri Kate Foster.

Kate Foster ayaa tiri “Goor sii horeysay oo maanta ah, aniga iyo Qoorqoor waxaan isla garanay in la jooggo xilligii ay dhammaan dhinacyadu isu imaan lahaayen, una dhameystiri lahaayen heshiis doorasho, si ay Somaliya horey ugu socoto.”

Kate Foster ayaa warkan ku sheegtay qoraal ay caawa ku daabacay barta ay ku leedahay shabakadda farriimaha leesku weydaarsado ee Twitter.

Kulankan ayaa qayb ka ah dadaalada Wakiilada Beesha Caalamka miiska wadahadalada isugu keenayaan Madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa Dowlad Goboleedyada.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com