Ra’iisal Wasaare Rooble oo la kulmay Musharax Madaxweyne Jibriil Cabdulle

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa gelinkii dambe ee maanta la kulmay Musharax Madaxweyne Jibriil Ibraahim Cabdulle.

Ra’iisal Wasaaraha iyo Jibriil Ibraahim Cabdulle ayaa ka wadahadlay, sidii doorasho xor iyo xalaal ah ay dalka uga dhici laheyd.

“Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Somaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Musharax Jibriil Ibraahim Cabdulle, oo ay ka wadahadleen sidii doorasho nabdoon oo daah furan dalka uga dhici laheyd.” Ayaa lagu yiri qoraal lagu daabacay barta Xafiiska Ra’iisal Wasaaruhu ku leeyahay Facebook.

Ra’iisal Wasaare Rooble ayaa horaan sheegay in xafiiskiisa uu u furan yahay cid kasta oo tabasho ka qabto hannaanka geedi-socodka ee doorashooyinka dalka.

4-tii bishan ayay ahayd markii uu fashil ku soo dhammaaday kulan Ra’iisal Wasaare Rooble iyo Xubnaha Midowga Musharaxiinta qaarkood ku yeesheen Hotel Decale ee Magaalada Muqdisho, kulankaasi ayaana daba socday laba kulan oo hore oo hotelkaasi ay ku yeesheen.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com