Rooble oo saxiixay buugga tacsida Madaxweynihii hore ee dalka (SAWIRRO)

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta tacsi ugu tagay qoyska Madaxweynihii hore ee Somaliya, marxuum Cali Mahdi Maxamed.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa saxiixay buugga tacsida ee Madaxweynihii hore ee dalka, oo 10-kii bishan ku geeriyooday isbitaal ku yaala Magaalada Nairobi, iyadoona 12-kii bishan lagu aasay Magaalada Muqdisho.

“Waxaan maanta tagay gogosha tacsida Madaxweynihii hore ee dalka, marxuum Cali Mahdi Maxamed. Waxaan Eebbe uga baryayaa in uu qabriga u waasiciyo marxuumka, samirna naga siiyo.” Ayuu yiri Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Ra’iisal Wasaare Rooble ayaa yiri “Waxaan u mahadcelinayaa Guddigii Aaska Qaran iyo intii ka qayb qaadatay aaska marxuumka.”

Allaha u naxariistee Cali Mahdi ayaa xilka madaxtinimada ee dalka loo magacaabay 1991-kii, isagoona noqday Madaxweynihii 4aad ee dalka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com