SAWIRRO: Shariif Sheekh Axmed oo booqday qoyska Madaxweynihii hore ee dalka

Shariif Sheekh Axmed, Madaxweynihii hore ee Somaliya ayaa maanta tacsi ugu tagay qoyska Madaxweynihii hore ee dalka, marxuum Cali Mahdi Maxamed.

Shariif Sheekh Axmed, Gudoomiyaha Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa sidoo kale saxiixay buugga tacsida ee Madaxweynihii hore ee dalka.

“Waxaan maanta tacsi ugu tagnay qoyska Madaxweynihii hore ee dalka, Allaha u naxariistee walaalkeen Cali Mahdi Maxamed, oo aan sidoo kale soo sixiixnay buugga tacsida qaran.” Ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed.

Shariifka ayaa yiri “Waxaan Allaah u weydiinay dembi dhaaf iyo inuu u naxariisto marxuumka, oo dadaal badan ku bixiyay sidii dalkan loo horumarin lahaa.”

Marxuum Cali Mahdi Maxamed ayaa 10-kii bishan ku geeriyooday isbitaal ku yaala Magaalada Nairobi, iyadoona 12-kii bishan lagu aasay Magaalada Muqdisho.

Cali Mahdi ayaa xilka madaxtinimada ee dalka loo magacaabay 1991-kii, isagoona noqday Madaxweynihii 4aad ee dalka.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com