Wakiilada Beesha Caalamka ayaa bilaabay dadaalo ay xal ugu raadinayaan in laga gudbo khilaafka cusub ee ka dhashay goobta lagu qabanayo shirka wadatashiga qaran.
Beesha Caalamka ayaa horaantii bishan soo jeedisay in shirka lagu qabto Xeendaabka Xerada Xalane ee Magaalada Muqdisho, ka dib markii Madaxda Puntland iyo Jubbaland ku baaqeen in shirka lagu qabto goob amnigeeda lagu kalsoon yahay.
Tani ayaa waxaa ka gows-adeegay Madaxda Galmudug iyo Koonfur Galbeed, iyagoona muujiyay inaanan loo baahnayn in la fara-geliyo wadahadalada Madaxda Soomaalida, isla-markaana ay ku baaqayaan in shirka lagu qabto Aqalka Villa Somalia amaba mid ka mid ah Xarumaha Dowlad Goboleedyada, si shirka loogu arko mid ay Soomaali leedahay.
Wakiilka Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Somaliya, Amb. James Swan, Danjiraha Mareykanka ee dalka u fadhiyo, Amb. Donald Yamamoto iyo Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa shalay ka wadahadlay dadaalada Beesha Caalamka ay ugu jirto qabsoomidda shirka lagu dhameystirayo arrimaha doorashooyinka, gaar ahaan doodda ka dhalatay goobta lagu qabanayo shirkaasi.
Wararka ayaa sheegaya in xubnahaasi ay Madaxweyne Qoorqoor weydiisteen in Beesha Caalamka uu kala shaqeeyo, sidii looga gudbi lahaa caqabadaha horgudban shirka.

Dhanka kale waxaa soo baxaya warar sheegaya in Beesha Caalamka ay Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) ugu baaqeen in uu yimaado Magaalada Muqdisho, si arrintan xal looga gaaro, loona bilaabo wadahadalada lagu dhameystirayo geedi-socodka doorashooyinka dalka. Madaxweyne Lafta-gareen ayaa tan iyo daba-yaaqadii bishii hore ee February ku sugan dalka Turkiga.
Dadaalada Beesha Caalamka ayaa ah, sidii leeskugu soo dhaweyn lahaa Madaxda Soomaalida.
Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com