Madax kala duwan oo ka qaybgashay kulanka Madasha Badbaado Qaran

Madaxweyne-yaasha Puntland iyo Jubbaland, Siciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta ka qaybgalay Kulanka Madasha Badbaado Qaran oo looga dhawaaqay Magaaladda Muqdisho.

Madashan ayaa waxaa ku mideysan Maamulada Puntland & Jubbaland, Midowga Musharaxiinta iyo Golaha Siyaasiyiinta ee Somaliland.

Madaxweynaha Puntland oo khudbad ka jeediyay kulanka ayaa hadlay xaaladda dalku marayo iyo baahida loo qabo in la badbaadiyo, isagoo xusay in Madasha Badbaado Qaran ujeedka loo sameeyay tahay, sidii dalka ay uga qabsoomi lahayd doorasho lagu wada qanacsan yahay.

Madasha ayuu Madaxweynuhu sheegay in ay u furantahay masuuliyiinta ka qayb qaadanaya badbaadinta dalka, madaama madaxda waqtiga ka dhammaaday uu ku eedeeyay inay ku fashilmeen in ay dalka doorasho kaga qabtaan muddadii loogu talagalay.

Deni ayaa sheegay in Puntland ay marwalba u taagan tahay dhismaha iyo badbaadinta Dowladnimada Somaliya, isla-markaana ay billihii ugu dambeeyay dadaal ku bixineysay, sidii dalka loo samata bixin lahaa, ugana qabsoomi laheyd doorasho loo dhan yahay.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com