Madaxweyne Qoorqoor oo la kulmay Wakiilka Midowga Afrika (SAWIRRO)

Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa Magaalada Muqdisho kula kulmay Wakiilka Midowga Afrika ee Somaliya ahna Madaxa Hawlgalka Nabad Ilaalinta AMISOM, Francisco Madeira.

Labada dhinac ayaa ka wadahadlay dadaalada lagu doonayo in lagu dhameystiro arrimaha doorashooyinka ee dalka, oo khilaaf xoog lihi uu hareeyay.

Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Galmudug ayaa lagu yiri “Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa maanta kulan la qaatay Safiirka Midowga Afrika ahna Madaxa AMISOM, Amb Francisco Madeira. Madaxweynaha iyo Safiirka ayaa ka wadahadlay dadaalada lagu horumarinaayo hawlaha amniga Galmudug.”

“Sidoo kale waxa ay ka wadahadleen arimaha doorashooyinka iyo dadaalada loogu jiro dhameystirka arrimaha doorashooyinka.”

Khilaaf hor leh ayaa ka dhashay goobta lagu qabanayo shirka wadatashiga qaran, ee looga hadlayo arrimaha doorashooyinka ee dalka.

Madaxda Jubbaland iyo Puntland waxay ku baaqeen in shirka lagu qabto goob amnigeeda lagu kalsoon yahay, halkaasoo ay Beesha Caalamka u aragtay xeendaabka Xerada Xalane, balse ay taasi ka horyimaadeen Madaxda Galmudug iyo Koonfur Galbeed, oo iyagu dalbanaya in shirkaasi lagu qabto Aqalka Villa Somalia amaba mid ka mid ah xarumaha Dowlad Goboleedyada.

Muddada xilhaynta ee Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku ekeyd 8-dii bishii hore ee February, mana jirto waqti heshiis lagu yahay oo doorashada ay dhici doonto.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com