Madaxweynihii Tanzania, John Magufuli oo geeriyooday

Madaxweynihii dalka Tanzania, John Magufuli ayaa fiidnimadii Arbacada ku geeriyooday isbitaal ku yaala Magaalada Dar es Salaam ee caasimaddii hore ee dalkaasi.

Madaxweyne Kuxigeenka Tanzania, Samia Suluhu Hassan ayaa saqdii dhexe ee xalay ku dhawaaqday in uu geeriyooday Madaxweynihii dalka, xilli ay si toos ah ula hadleysay Warbaahinta Qaranka ee dalkaasi.

Waxay sheegtay in Madaxweynaha uu ku geeriyooday Isbitaalka Mzena, 6-dii maqribnimo ee Arbacadii, isla-markaana uu u geeriyooday wadno xanuun

John Magufuli, Madaxweynihii dalka Tanzania ayay xaalad caafimaad-darro soo wajahday Axadii, iyadoona la dhigay isbitaalka uu haatan ku geeriyooday, xilli ay da’diisu ahayd 61 jir.

Magufuli ayaan muddo laba toddobaad ah lagu arag fagaarayaasha, waxaana jiray warar dadku isla dhex mariyeen oo xaaladiisa caafimaad ku aaddaneyd.

Magufuli oo muddo laba jeer xilka la doortay ayaa markii ugu horeysay waxaa xafiiska loo doortay sanadkii 2015, iyadoona mar labaad xilkaasi dib loogu doortay sanadkii 2020.

Source: Universaltv.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com