Ciidanka Xoogga Dalka ayaa hawlgal amni xaqiijin ah ka wada deegaano hoos-tagga Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose.
Ciidanka ayaa hawlgalka ka wada deegaanada Xaanshooley, Waraaboole, Doonweyne, Kaxaroow, Buulaloow, Maguurto-Baalgooy iyo Cumar Beere.
Ciidanka Xoogga Dalka ayaa raashiin iyo dawo u qaybiyay dadka ku dhaqan deegaanadaasi, oo dhawaan laga saaray maleeshiyada Ururka Al Shabaab.
Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sheegay in dadka ku dhaqan deegaanadaasi ay yihiin kuwo nugul, isla-markaana aysan haysan waxyaabaha asaasiga u ah nolosha.
Cabdullaahi Mustafe Cali (Madaale Qaran) oo horkacaya hawlgalkan ayaa sheegay in shacabka ay ku farxayn imaanshaha ciidamada, waxaana uu bulshada ugu baaqay in ciidamadu la shaqeeyaan.











Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com