Gaari nooca xamuulka oo shil ku galay Muqdisho (SAWIRRO)

Faah faahino ayaa ka soo baxaya gaari nooca xamuulka oo caawa shil ku galay Isgoyska Siinaay ee Magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in darawalkii gaariga waday uu xakameyn waayay gaarigaasi, ka dib markii uu fariinka u go’ay, isla-markaana uu gaarigu ku rogmaday Isgoyska Siinaay.

Wariye-yaasha ayaa soo sheegaya gaarigaasi oo shixnad timir ah siday in uu ku duldhacay mooto bajaaj, ay rakaab la socdeen.

Shaqaalaha Dab Demiska ee Gobolka Banaadir ayaa ku guuleystay inay demiyaan dab ka kacay gaarigaasi, ka dib markii uu shilka galay.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in laba qof ku dhimatay shilkaasi, dhowr kalena ay ku dhaawacantay, inkastoo aanay jirin cid si rasmiya warkaasi u xaqiijin karta.

Dhanka kale rasaas ay furayn Ciidamada Booliska ee ka hawlgala Isgoyska Siinaay ayaa la soo sheegaya in hal qof uu ku dhaawacmay. Ciidamada ayaa rasaastaasi ku kala eryayay dad fara-badan oo ku soo xoomay goobtii uu shilku ka dhacay.

Nagala soo xiriir dhacdo@gmail.com